Been ayaan sheegay haddii aan iraahdo gacantaydu kubadda ma taaban” – Marcelo oo hadlay





Daafaca kooxda Real Madrid ee Marcelo ayaa qirtay inuu xalay gacanta ku taabtay kubadd isaga oo ku jira diilinta ganaaxa ee kooxdiisa.
Ciyaartoyda iyo taageerayaasha kooxda Bayern Munich ayaa ku dooday in kooxdoodu ay ahayd in loo dhigo gool ku laad kadib kubaddii uu taabtay Marcelo.
Marcelo ayaa sheegay in garsooruhu uu qalad gali karo sidaas si lamid ahna garsoorayaashu ay qalad ka galaan kooxdiisa Real Madrid sida uu hadalka u dhigay.
“Been ayaan sheegay haddii aan iraahdo kubaddu gacantayda ma taaban, laakiin ugu danbayntii kama hadlayo garsoorayaasha waayo mararka qaar qalad ayeey naga galaan, sidaas darteed anagu marnaba kama hadalno garsoorayaasha” ayuu yiri Marcelo.
“Wax walba waa suurogal marka la joogo kubadda cagta, gool ayaa nalaga dhaliyay kadibna dib ayaan ugu soo laabanay ciyaarta”.
“Waa inaan ku raaxaysanaa guulihii aan gaarnay, haatan waxaan dhigaynaa taariikh kadib markii aan gaarnay Final-ka Champions League 4-mar 5-tii sano ee ugu danbaysa
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY