Caawiyihii Hore Man United Rene Meulensteen Oo Kashifay Inuu SAF Damacsanaa Saxiixa Sadex Xidig Oo Jarmal Ah Ka Hor Shaqo Ka Fariisadkiisa.



Rene Meulensteen oo xili lasoo shaqeeyay tababarahii ka hawlgabay kubada cagta ee Sir Alex Ferguson ayaa kashifay qorshe uu lahaa ka hor inta uusan isaga bixin garoonka Old Trafford.
76-jirka reer Scotland wuxuu isaga fariistay kubadda cagta sanadkii 2013 kadib markii uu horyaalkii 13-aad ee Premier League u hogaamiyay kooxdiisii hore, balse wuxuu aad u damacsanaa inuu xagaagaas kooxda ku xoojiyo sadex xidig oo Jarmal ah ka hor inta uusan qaadan go’aanka.
Mid ka mid ah ciyaartoydaas hadda wuxuu ka tirsan yahay Manchester City waana Ilkay Gundogan, sidoo kalana wuxuu Ferguson isha ku haya xidigaha kale ee Mats Hummels iyo Marco Reus.
“Wuxuu ahaa mid mar walba dagan, wuxuu ahaa qofka ugu horeeya ee xerada tababarka Carrighton, waxba ma akhriyin oo isaga ku saabsan wuxuuna soo jeediyay inuu fasalka yahay kiisii ugu dambeeyay” ayuu yiri Rene.
Waxaan laheyn kulankeena caadiga ah ee ka horeeyay kulamada fasaxa, sanadkaas waxaan u soconay Australia, Sir Alex wuxuu noo sheegay inuu naga qaadanayo kan ugu fiican, waxaan u hanqal taagayay midaasi”
“Waxaan laheyn kulan la laheyn indha-indheeyayaasha, waxaan raadineynay ciyaartoy suuragal ah inagoo isha ku heyno inaan kooxda ku dhisno aragti ahaan waxa noo sawiran, dhamaan waxey ahaayeen kuwa socda”
“Waxaan isha ku heynay tiro ciyaartoy Jarmal ah – Hummels, kaas oo aaday Bayern – sidoo kale waxaan isha ku heynay Gundogan iyo sidoo kale Reus, wxaa jiray ciyaartoy badan balse wali uma aanan cayimin inaan si dhab ah bartilmaameed uga dhiganay”.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY