Waan Hubaa Inaan Awoodno Lasoo Saxiixashada Kabtanka Kooxda Barcelona Andres Iniesta




Madaxweynaha kooxda Chongqing ee ka dhisan horyaalka Chinese Super League Gong Daxing ayaa sheegay in kabtanka kooxda Barcelona ee Andres Iniesta uu ku dhaw yahay in uu heshiis cusub qalinka ugu duugo kooxdiisa xiliyada soo aadan.
Gong Daxing ayaa u sheegay wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain: “Waan hubaa inaan awoodi karno soo bandhigida Andres Iniesta, imaanshahiisa wuxuu noqon doonaa guul weyn ee kooxda u soo hooyata”.
Kabtanka Barcelona Andres Iniesta ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo ka tagistiisa kooxda Blugarana Isbuucaan ka dib mudo 22 sano ah uu kusoo sugnaa garoonka Cump Nou.
Inkastoo kubad sameeyaha kooxda Barcelona ee Andres Iniesta aysan wali jirin koox uu heshiis cusub u saxiixay hadana kooxaha Chongqing iyo Tianjin ee ka dhisan horyaalka Chinese Super League ayaa ah kuwa ugu cad cad ee xiiseenaya adeega xidigan.
Haddii Iniesta uu u dhaqaaqo kooxda Chongqing wuxuu ka hoos ciyaari doonaa tababaraha reer Portugal Paolo Pinto, kaasoo ku soo biiray kooxda sanada 2017 isagoo saxiixay heshiis labo xilli ciyaareed.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY