Manchester City oo ay macquul tahay in laga Ganaaxo dhamaan suuqa kala iibsiga Cayaartoyda





Kooxda Kubadav cagta Manchester City oo dhawaan u dabaal degtay ku Guuleysiga Horyaalka  Premier League ayaa lasheegayaa in ay macquul tahay in dhamaan laga Ganaaxo suuqa kala iibsiga Cayaartoyda kadib markii dacwed lagu soo oogey.
Manchester City ayaa waxaa dacwed ku soo oogtey koox dalka Argentina ka dhisan oo lagu Magacaabo Velez Sarsfield.waxaana ay ku doodayaan in ay si sharci daro ah kaga qaateen Cayaaryahan u dheelayey oo lagu Magacaabo Benjamin Garre.
Naadiga Velez Sarsfield. ayaa warqad dacwad ah waxa ay u qoreen Maxkamada Magacaeeda loosoo gaabiyo CAS ee hoos tagta Xiriirka kubada cagta Caalamka ee FIFA waxaana ay ku dacwoonayaan in Manchester City ay si musuq maasuq ah ay kaga qaateen cayaaryahankoodii Benjamin Garre.
Madaxwynaha kooxda Velez Raul Gamez ayaa sheegay in Manchester City ay heshiis lagaartay Benjamin Garre oo da.diisu ka hooseyso 15 Sano sanadkii 2016 isla Markaana ay ka Saxiixdeen heshiis dheer oo aad u lacag yar taas oo mamnuuc ka ah sharciga FIFA waana Sababtii suuqa looga ganaaxay kooxaha Barcelona iyo Atletico Madrid.
Hadii lagu helo danbiga lagu soo oogey Manchester City ee ah in ay heshiis sharci daro ah lagaleen Cayaaryaahnka da.da yar ee dalka Argentina Benjamin Garre.waxaa macquul ah in mudo dheer laga Ganaaxo suuqa kala iibsiga Cayaartoyda waxaana ay ku soo beegmeysaa xili Macalin Pep Guardiola loo balan qaaday boqolaal milyan si uu usoo qaato Xiddigo cusub.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY