Taageerayaasha Manchester United oo ugu baaqay Cristiano Ronaldo in uu Cagta Mariyo Liverpool una diido Champions League



Taageerayaasha kooxda Kubada cagta Manchester United ayaa ugu baaqay Cayaaryahankoodii hore ee Cristiano Ronaldo in uu cagta Mariyo Liverpool isla Markaana uu u diido in ay qaadaan koobka Champions League.
Manchester United Taageerayaasheeda ayaa doonay in Livepool aysan qaadin Koobka Champions League Waxaana ay ugu baaqeen Ronaldo in uu xooga saaro sidii aysan ugu guuleysan lahayn.
Liverpool ayaa xaqiijisey in ay Real Madrid la dheeli doonaa Cayaarta kama damabaysta ah ee koobka Champions League. kadib markii ay ku soo bexeen Goolal tirsi kulamadii ay ladheeleen kooxda Roma waxaana sheekadaas aan soo dhaweyn Taageerayaasha Manchester United oo Cadaawad fog ay kala dhaxayso LiVepool mana doonayaan in ay qaadaan koobka.
Kulanka Finalka ee koobka Champions League.ayaa ladheeli doonaa 26 ka bishaan Waxaana lagu Cayaari doonaa Magaalada Kiev halkaa oo lafilayo in ay ka dhacdo Cayaar aad u adag.

Cristiano Ronaldo during the UEFA Champions League football match Paris Saint-Germain vs Real Madrid, on March 6, 2018 at the Parc des Princes stadium in Paris. (Photo by Mehdi Taamallah/NurPhoto via Getty Images)
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY