Xogta Guud ee Taariikhda Koobka Aduunka oo Kooban+SAWIRRO






Xili ay ka harsan tahay bilaabashada ciyaarha koobka aduunka 2018 ee Russia ka dhici doona 42 maalin waxaan la socod siineynaa aqristayaasheena Goolfm.net inaan bilaabi doono taariikhda koobka aduunka tan iyo markii lasoo bilaabay 1930-kii ilaa 2014.
20-jeer ayaa la qabtay ciyaaraha koobka aduunka waxaadna maalin dhaaf u heli doontaan taariikh kasta oo koobka aduunka ah,
Waxaan maanta ku bilaabi doonaa xog kooban oo ku aadan taariikhda koobka aduunka.
FIFA World Cup, waa dhacdada ciyaarta ugu weyn aduunka waxaana si fudud loogu dhawaqaa World cup ama Koobka Aduunka,waxaa lasoo bilaabay taariikhdu markey aheyd 1930kii iyadoona la ciyaaray koobkan 20 jeer xili dhawaan la qaban doono markii 21-aad ee tartanka kubada cagta aduunka oo ka dhici doona dalka Russia.
Koobka Auunka waa tartan heer caalami ah oo ay ciyaaraan xiriirada kubada cagta aduunka ee hoos yimaadka FIFA waxaana koobka aduunka ciyaara Rag ka kala socda dalalkooda.
Dhacdada koobka aduunka ayaa la qabtaa afartii sanaba mar tan iyo sanadkii 1930kii, balse wuxuu hakad ku yimid ciyaarista koobka aduunka  sanadihii  1942 iyo 1946 markaa uu socday dagaalkii labaad ee aduunka .
Ku guuleystayaasha horyaalka aduunka waxaa hadda ah xulka Germany, kuwaa oo afar jeer heysta koobka xiligii ugu dambeysana waxey qadeen dhacdadii 2014 ee Brazil marti galisay.
Ciyaaraha koobka aduunka ayaa soo mara mar xalado loogu soo gudbo iyadoo xulalka ay soo ciyaaran kulamo isreeb-reeb qaaradood ah ugu dambeyn ayey usoo baxaan koobka aduunka 32 dal uu kamid yahay marti galiyaasha oo aan ciyaareenin wax isreeb-reeb ah .
20-kii dhacdo ee horay loosoo ciyaaray koobka aduunka waxa ku guuleystay sideed dal. Brazil ayaa ah xulka ugu hanashada badan waxeyna qaadeen 5 jeer, sido kalana waa dalka qura ee ciyaaray  tartan kasta oo koobka aduunka ah.
Guuleystayaasha kale ee koobka aduunka waxa kamid ah Germany iyo Italy, oo min afar jeer heysta ; Argentina Uruguay oo labo jeer ah ; iyo min hal jeer oo ay qaadeen dalalka kala ah England, France iyo Spain.
Sawiradaan waa Xulalkii ku guuleystay koobka aduunka tan iyo markii lasoo bilaabay 1930 ilaa 2014.


















Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY