Halyeygii Reer Brazil Ee Ronaldo Nazario Oo Saadaaliyey Natiijada ciyaarta Finalka Real Madrid v Liverpool, Ka Hana Hadlay Mohamed Salah, Neymar, Ronaldo Iyo Messi





Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil iyo Kooxaha Ajax, Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid ee Ronaldo Nazario ayaa ammaan ballaadhan u jeediyey xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah, kaas oo uu tibaaxay inuu la mid yahay Lionel Messi.
Ronaldo oo waxa uu sheegay inuu aad u jecel yahay Mohamed Salah iyo qaabka uu u ciyaaro iyo waxyaabo badan oo noloshiisa ku saabsan oo uu ka akhriyey.
“Liverpool, waxa aan Jecelahay Salah oo ah ciyaartoy cajjiib ah oo tayo heersare ah leh, waxaanay ila tahay inuu aad ula mid yahay Messi. Dhowaan ayaan akhriyey in uu aniga igu dayan jjiray, aadna waan ula dhacay, waanan ku faraxsanahay inaan arkay” Sidaas ayuu yidhi Ronaldo Nazario oo la hadlayey barnaamijka El Partidazo ee idaacadda Cope. Inkasta oo aanu ka qayb-geli doonin ciyaarta finalka Champions League oo uu sii wadan doono fasaxa uu ku joogo Ibiza, haddana waxa uu sheegay inuu saadaalinayo in Real Madrid ay 3-2 kaga adkaan doonto Liverpool, waxaanu yidhi: “Real Madrid ayaa 3-2 ku adkaan doonto, haddii ay ku guuleystaan koobkana waxay noqon doontaa dhacdo aan la malayn karin oo gashay taariikhda kooxda.”
Halyeyga reer Brazil waxa uu tibaaxay in shaki badan sannadkan la gelinayey Real Madrid balse uu ku niyad-san yahay inay gaadhi doonaan guul taariikhi ah.
“Waxa jiray shaki sannadkan, laakiin aad ayaan ugu niyadsamahay fursadda kooxdu u haysato inay gaadhaan guul taariikhi ah, danna kama lihi cidda uu tababaruhu ciyaarsiinayo, laakiin Bale ayaa u muuqda inay halis noqonayso haddii laga tago, sababtoo ah si fiican ayuu u ciyaaray dhamaadka xili ciyaareedka, waxaana jira doorashooyin kale sida Isco iyo Marco Asensio.” ayuu yidhi R9 .
Ronaldo waxa kale oo uu ka hadlay sida ay Real Madrid u wada ciyaarsiin karto Neymar iyo Cristiano Ronaldo haddii uu laacika reer Brazil go’aansado inuu ka tago PSG, waxaanu yidhi: “Cristiano Ronaldo iyo Neymar way ku habboon yihiin inay wada ciyaaraan, waana laba laacib oo aad u wanaagsan oo ku habboon inay koox u wada ciyaaraan halkii ay laba naadi kala joogi lahaayeen.
Haddii uu Neymar go’aansado inuu ka tago PSG, cidina ma joojin karto, Real Madrid ayaana u dhaqaaqi doonta inay hesho. Aniga ayey igu dhacday oo go’aansaday inaan ka tago Barcelona, laakiin ma garanayo in marxaladdaydii oo kale uu ku jiro.” sidaas ayuu yidhi.
Inta uu socdo Koobka Adduunka ee bisha dambe furmaya, Ronaldo waxa uu la shaqayn doonaa FIFA iyo telefishanka Brazilian TV, waxaana uu aaminsan yahay in dalkiisu caqabadda ugu weyn kala kulmi doono Spain, waxaanu yidhi: “Jarmalku aad ayey u xoog badan yihiin, laakiin Spain ayaa ah koox fiican, sababtoo ah, way dhiirran yihiin, is haystaan oo dheereeyaan. Waa waddanka loollanka ugu adag ku haya Brazil koobka adduunka.”

Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY