Roy Keane Oo ka hadlay kulanka final-ka Champions League, kooxdee ayuu sheegay inay guuleysan doonto?



Roy Keane ayaa sheegay  in Cristiano Ronaldo, uu go’aamin doono kulanka finalka Champions League ay bari ku wada ciyaari doonaan Real Madrid iyo Liverpool caasimada dalka Ukraine ee Kiev.
Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool ayaa kadib mudo fog ay diyaar garow balaaran ku jireen waxay bari oo sabti ah ku balansan yihiin in ay ku kala baxaan kulanka finalka Champions League xili ciyaareedkan 2017/2018.
Kantankii hore Man United ayaa sheegay: “Waxaan qabaa in Real Madrid ay ku guuleysan doonto finalka Champions League”
“Real Madrid waxay heysataa Cristiano Ronaldo, waxaan qabaa in Liverpool ay sameyneyn karto waxyaabo badan, laakiin aniga ahaan Real Madrid ayaa guuleysan doonto sababa la xidhiidha Cristiano Ronaldo”.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY