Virgil van Dijk oo ku dooday inuusan u baahneen wax dhiiragalin ah ee ku aadan kulanka Real Madrid



Difaaca kooxda Liverpool Virgil van Dijk ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu diyaar u yahay inuu ciyaaro finalka Champions League ee bari oo sabtida ah.
Virgil van Dijk ayaa kala soo muuqday shir jaraa’id, saaxiibkiis Jordan Henderson iyo macalinka kooxda Liverpool Jürgen Klopp, wuxuuna si cad u sheegay in ay diyaar u yihiin kulanka Finalka Real Madrid.
“Waxaan arkaa in qof walba uu diyaar u yahay islamarkaana uu rajeynayo inuu guuleysto, waa wax aad u wanaagsan in aad qeyb ka noqo kulankan oo kale, hadda waan joognaa, waxaan dooneynaa inaan sameyno wax walba oo aan heysano”.
“Uma maleynayo inaan u baahanahay dhiirogelin dheeraad ah ee ku aadan kulanka berry, waxa ay noqon doontaa wax qaas ah oo midkeenaba, markaan ka qeybgalno finalka Champions League, waa inaan ku raaxeysanaa ciyaarta, si aan u soo bandhigno wax walba ee awoodeena ah”.
“Tan iyo markii aan halkan imid, qof walba aad ayuu ii soo dhaweeyay, ciyaartoyda, tababarayaasha iyo shaqaalaha, Liverpool waa kooxdeyda, Anfield waa gurigeyga, waan jeclahay kooxdan”.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY