Xabi Alonso Oo Ka Hadlay Kulanka Xiisaha Badan Ee Kooxihiisii Hore Real Madrid Iyo Bayern Munich Ee UCL-Muxuu Ka Yidhi Liverpool Vs Roma?


Halyaygii hore ee xulka qaranka Spain iyo kooxaha Real Madrid iyo Bayern Munich ee Xabi Alonso ayaa ka hadlay kulanka xiisaha badan ee sida wayn loo sugayo ee kooxihiisii hore ee Madrid iyo Bayern ku dhex mari doona afar dhaamadka UEFA Champions League.
Alonso ayaa Real Madrid iyo Bayern Munich waqtiyo fiican ku soo qaatay wuxuuna ogyahay muhiimada ay labadan kooxood u yeelan doonto labada kulan ee lugta hore iyo lugta labaad ee afar dhamaadka Champions League iyada oo waliba lagu horayn doono Allainz Arena oo ahaa garoonkii uu kabaha kubbada cagta ku siibay.

Xabi Alonso oo qiimaynaha kulanka lugta hore ee Allainz Arena ayaa yidhi: “Kulanka lugta hore waa mid aad muhiim u ah inkasta oo ay jiraan layaabyo ka dhaca afar dhamadyada, sababtaas awgeed ayay kubbada cagtu u tahay mid madadaalo ah”.
Intaa kadib Xabi Alonso ayaa qiray in Bayern Munich ay cadaadis badan Real Madrid ku saari doonto Allainz Arena wuxuuna yidhi: “Bayern cadaadis badan ayay ku leedahay Allianz isla markaana waxaa waajib ah in Madrid ay dhibtoon doonto, Bayern waxaa waajib ku ah in ay ka taxadarto weerarka rogaal celiska ah ee ka iman doona Madrid, waxayna gool ku dhalin karaan fursad kala badh ah”
Alonso oo ka hadlaya waxyaabaha muhiimka kulankan u noqon doona iyo waxyaabaha go’aamin kara afar dhamaadka Bayern iyo Madrid ayaa yidhi: ” Daboolitaanadu waa muhiim, haddii aad meel uun ku liidato kadib waxay taasi muhiim u noqon doonaa go’aaminta kulamadan ee labada kooxoodba, waxaa jira ciyaartoy isku muujiya kulamada waa wayn”.
Xabi Alonso oo ka hadlaya maqnaanshaha Arturo Vidal ayaa yidhi: “Kani waa mid aad muhiim u ah, isagu dhiiranaan badan ayuu leeyahay, wuxuuna ka mid yahay kuwa isku taaga kulamada waa wayn. Isagu waa tartame adag, kooxda ayuu dhiiro galiyaa, waana ciyaartoy heer sare ah, laakiin sidoo kale waxaa jooga James, Thiago, Javi Martniez iyo Muller”.
Ugu danbayn Xabi Alonso ayaa si cad u rajaynaya in kooxdiisii hore ee Liverpool ay soo dhaafi doonto Roma wuxuuna yidhi: “Aniga tani aad ayay iigu kala cadahay, xaqiiqdii waxaan ku rajo waynahay in iyagu (Liverpool) ay soo gaadhi doonaan finalka waxayna ugu qalmaan hanaanka ciyareed ee Klopp. Roma waxay haysataa fursad taariikhi ah, laakiin waxaan filayaa in saamaynta Anfield ay aad muhiim u tahay”.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY