Ciyaartoyda Bayern Munich oo ka sii digay in Real Madrid ay firinbi ku reebto



Bayern Munich ayaa arbacada marti qaadi doonta kooxda Real Madrid oo gool muran badan uu ka dhashay ku soo gaartay Semi final-ka.
Ciyaartoyda Bayern Munich ayaa durba bilaabay inay ka sii digaan suurogalnimada ay Real Madrid uga adkaan karto iyaga oo gacan ka helaya garsoorka.
Cabashada ay muujinayso Bayern Munich ka hor kulanka Real Madrid ayaa cadaadis xoogan saaraya UEFA si kulanka loogu dhiibo garsoore lagu wada kalsoonaan karo.
Image result for joshua kimmich real madrid
Daafaca Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa ku eedeeyay gasoorku inuu sabab u ahaa in Real Madrid ay reebto kooxdiisa xiliciyaareedkii hore, wuxuuna yiri:
“Waxaan rumaysanahay in haddii garsooruhu uusan xumaan lahayn kulankii Real Madrid ee xiliciyaareedkii hore in aan reebi lahayn, dhamaanteen waan aragnay xaaladihii garsoorka ee xiliciyaareedkii hore”.
Thamos Muller oo hadlay ayaa dhankiisa yiri: “Haddiiba aan Real Madrid ka horjeeno waxba noo dhigi maayaan” wuxuuna ula jeedaa garsoorka Champions League.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY