A Coruña) 06 Abriil 2018 – Clarence Seedorf ayaa ku dooday in Jose Mourinho uu u mahad celiyo kooxda AC Milan ‘oo uu jabkeeda darteed ku noqday tababare wayn’.
AC Milan ayaa waxaa 2004 lugtii labaad 4-0 ku xaaqday Deportivo La Coruna, waloow lugtii hore ay Milan kusoo badisay 4-1, kulan ka tirsanaa rubuc-dhamaadka 2004 Champions League, waxaana kaddib wareegga 4-dhamaadka ku dishey kooxdii Mourinho ee FC Porto oo markii dambena koobka qaadday.
“Ma guuldarradii iigu xumayd? Waa 4-0 tii Deportivo. Waxay ii ahayd ciyaartii iigu xumayd, xitaa waxay ka darrayd middii Istanbul,” ayuu yiri Seedorf – oo haatan layliya isla Deportivo – oo la hadlayay Fox Sports.
“Mourinho weli nooma mahad celinin waayo Milan taasi waxay ahayd mid aan caadi ahayn. Waxay ahayd koox adag oo seddexleey ku guulaysan kartey.” ayuu ku dooday Seedorf oo ujeedkiisu yahay in haddii ay Milan berigaa nus-dhamaadka iman lahayd aysan celin karteen FC Porto.
