War Horleh oo ka soo baxaya sheekada Antoine Griezmann iyo Barcelona


Barcelona ayaa la warinayaa inay heshiis la gaartay dhaliyaha reer France ee Antoine Griezmann kaa oo ay kula soo saxiixaneyso bilooyinka soo socda kaddib markii ay Atletico Madrid ku guul darreysatay inay qandaraaska u kordhiso.
Griezmann ayaa si wayn loo hadal hayay inuu ka tagi doono Madrid xagaagii la soo dhaafay inkastuu markii dambe go’aansaday inuu la sii joogo kooxdiisa maadaama uu ganaax ka saarna suuqa.
Manchester United ayaa la rumeysnaa inay hogaanka u heysay saxiixiisa, Yeelkeede Jose ayaa dareenkiisa u weeciyay Lukaku kaddib markii uu ogaaday inuusan la soo saxiixan karin Griezmann.
Barcelona ayaa iminka hogaamineysa tartanka iyadoo ay jirto inay adduun dhan 350 milyan ku khasirtay Ousmane Dembele, Philippe Coutinho iyo qandaraas kordhinga Lionel Messi.
Camaaliqada Spain ayaa aad u dooneysa inay shidaal ku shubto weerarkeeda iyadoo la filayo in Coutinho uu qadka dhexe ka ciyaaro.
Heshiis guud ayay durba wada gaareen Griezmann iyo Barcelona oo ku aadan inuu xagaaga u soo dhaqaaqo.
Waa sida uu warinayo Le10 Sport ee dalka Faransiiska, taa oo sheeganeysa inay wax yar uun ka harsan tahay inuu 26-jirka u dhaqaaqo Nou Camp.
Ateltico Madrid ayaa isku dayday inay wada hadalo qandaraas kordhin ah la gasho xiddigeeda balse ku guul darreysatay.
Lacagaha lagu bur burin karo heshiiska Griezmann ayaa bisha June ka soo dhici doona 177.8 million isagoo gaari doona 88.9 milyan oo bound.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY