Kooxda Paris St-Germain oo Xaqiijisay Hanashada Horyaalka France Ligue 1






(Ligue 1) 16 April 2018.Paris St-Germain ayaa dib ugu soo laabatay ku guuleysiga horaaylka  Ligue 1 kadib markii ay xaaqeen kooxda difaacaneysay horyaalka ee Monaco kulan ka dhacay garoonka Parc des Princes.
Naadiga caasimada ka dhisan oo ay maal galiyaan Milkiilayaal reer Qadar ah ayaa 17 dhibcood ka sareysa kooxda kaalinta labaad xili shan ciyaar ay ka hartay kulamada horyaalka.
Angel di Maria
Kulanka ayaa kusoo dhamaaday 7-1 oo guusha ay ku raacday kooxda PSG waxaana ay goolasha ka kala heleen min laba gool oo ay dhaliyeen Giovani lo Celso iyo Angel di Maria halka  Edinson Cavani iyo Julian Draxler ay iyaguna shaqaba gaareen.
Kooxda Monaco waxaa goolka calanka u dhaliyay Rony Lopes dhamaadka qeybta hore halka uu  Radamel Falcao  gool otareeto ah  iska dhaliyay .
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY