Zlatan Ibrahimovic oo Xaqiijiyay inuu u Ciyaarayo Xulkiisa Sweden Ciyaaraha Koobka Aduunka


Abdikadir abdikarin Saed (Cade k3)  


(Sweden) 16 April 2018. 36 sano jirkaan weerarka kaga ciyaaraha kooxda LA Galaxy, ayaa horay u sheegay inuu ka fariistay ciyaaraha caalimiga balse hadda waa mid u muuqda inuu dib ugu soo laabto xulkiisa oo ka qeyb galaya ciyaaraha aduunka ee Russia ka dhici doona bartamaha sanadkan.
Ibrahimovic ayaa Bartiisa Twitter ka kusoo qoray hadalkan : “fursada aan u heysto ciyaaraha koobka aduunka waa cirka sare.”
Zlatan waa dhaliyaha ugu goolasha badan xulkiisa wuxuuna dhaliyay 62 gool 116 kulan uu saftay intii u dhaxeysay sanadkii 2001 ilaa 2016.
 Zlatan Ibrahimovic is set to star for Sweden in this summer's World Cup
Isagu wuxuu xulka kabtan u ahaa laga soo bilaabo sanadkii 2010 ilaa iyo intii uu ka fariisanayay ciyaaraha caalamiga, waxaana Ibrahimovic lagu xasuustaa goolkii dheera ee uu 40 yard ka dhaliyay ciyaar saaxibtimo ay ka hortageen xulka England wuxuuna goolkaas ku qaaday goolka sanadka ee Abaalmarinta Puskas Award 2013.
Ibrahimovic ayaa hadda ka ciyaara horyaalka Mareykanka kadib markii uu kasoo dhaqaaqay kooxda Manchester united horaantii sanadkan.
By  Wariye Cade K3
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY