Sergio Aguero oo aan Cayaari doonin inta ka dhiman Xili Cayaareedkaan



Weeraryahanka kooxda Manchester City ee Sergio Aguero ayaa lacadeeyey in uusan cayaari doonin inta ka dhiman Xili Cayaareedkaan kadib markii uu dhaawac soo gaaray qaliin looga Samayn doono.
Sergio Aguero ayaa lasheegayaa in qaliin looga samayn doono Jilibka oo uu ka qabo dhaawac soo gaaray waxaana uu kamaqnaan doonaa Garoomada inta ka dhiman Xili cayaareedkaan.
Aguero oo kooxdiisa Manchester City ku Guuleysatey Horyaalka dalka England ayaa isku diyaarin doonaa Koobka aduunka oo uu matali doono dalkiisa Argentina waxaana qaliinka uu gelayo uu ka soo kabsan doonaa inta aan lagaarin bisha 6 aad ee Sanadkaan oo uu bilaaban doono koobka aduunka 2018.
Cayaaryaahnka dalka Argentina ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey qaliinka uu mari doono dhawaan waxaana uu sheegay in uu kasoo kabsan doono kahor koobka aduunka qaliinka lagu samayn                    


Siraaj muktar Abubakar 
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY