Ernesto Valverde oo Cadeeyey in Lionel Messi uusan dheeli doonin kulanka Celta Vigo

                                     
                                                                                                                                                                                          Macalinka kooxda Barcelona ee Ernesto Valverde ayaa Cadeeyey in Cayaaryahankiisa Weerarka kaga dheela ee Lionel Messi uu ka maqnaan doono Cayaarta adag ee ay u safri doonaan garoonka Celta Vigo.
Ernesto Valverde oo shir Jaraa id qabtay ayaa cadeeyey in uu Nasin doono Lionel Messi kulanka Celta Vigo isla markaana uu isku diyaarin doono Kulanka Finalka Copa del Rey ee ay Sevilla la cayaari doonaan.
Lionel Messi oo Hogaaminaya Gool dhalinta Horyaalka La Liga ee Xiligaan ayaa Barcelona u Saftay 44 kulan Xili Cayaareedkaan waaana uu u baahanyahay sida lacadeeyey Nasiino fara badan.



Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY