DEG DEG: Xulka 17 Jirada Soomaaliya oo u gudbey Semifinalka koobka Cecafa U-17



Xulka kubada Cagta dalkeena Soomaaliya ee da,ahaan ka hooseeya 17 ka Sano ayaa xaqiijiyey in ay u gudbeen Wareega Semifinalka koobka Cecafa U-17:kadib markii ay bareejo 0-0 ah lagaleen dalka Marti gelinaya koobka ee Burundi.
Cayaartoyda da.da yar ee dalkeena Soomaaliya ayaa kulan Goordhow soo dhamaatay waxa ay lacayaareen dalka Burundi waxaana Cayaartu ku dhamaatay bareejo 0-0 taas oo Soomaaliya u sahashay in ay u gudbaan Semifinaka koobka Cecafa U-17:
Soomaaliya ayaa Wadtey 3 dhibcood iyo 3 Gool kadib markii laganaaay dalka Itoobiya oo Safay Cayaartii Soomaaliya Cayaartoy da.ahaan ka weyn 17 Sano sharciga ayaana lamarsiiyey dhibcihiina waxaa lasiiyey dalkeena Soomaaliya.
Waa sharaf weyn oo usoo hoyatey qof kasta oo Soomaali ah sidoo kale waxaa amaan aan qiyaas lahayn mudan Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya oo Cayaratoyda Xulka mataleysa soo bar baariyey xili ahaayeen ilmo yar yar iskuul dhigta waxaana labaray Kubada Cagta halkii weynaan looga mid Noqon jirey Xulka dalka Soomaaliya waxaa kaloo amaan mudan macalimiinta Hogaamineysa iyo kuwii soo taba baray kubada Cagta intaba.

BY : siraaji Muktar Abubakar

Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY