Madaxwaynaha kooxda Barcelona ayaa qirtay inuu la kulmay wakiilo ka socda weerar yahanka Atletico Madrid ee Antoine Griezmann.
Xiddiga reer France ayaa si wayn loo la xiriirinayay muddooyinkii u danbeeyay kooxda Barcelona oo la sheegay inay heshiis la gaartay.
Bartomeu oo waraysi dheer siiyay Radio Catalunya ayaa sheegay inuu la kulmay Antoine Griezmann iyo wakiiladiisa, wuxuuna intaa ku daray inuu la hadlay madaxwaynaha Atletico Madrid.
Madaxwaynaha Barcelona oo ka hadlay saxiixa Antoine Griezmann ayaa yiri:
“Kama hadlayno ciyaartoy aan ka mid ahayn kooxdeena, maalintii fasaxa ayaan la kulmay Antoine Griezmann iyo wakiiladiisa”.
“Sidoo kale, waxaan arimahaas kala hadlay madaxwaynaha Atletico Madrid, xiriir fiican ayaan wada leenahay”.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY