Thomas Muller oo qirtay in Real Madrid aysan xalay ku soo bixin gacanta garsooraha




Weerar yahanka Bayern Munich ee Thomas Muller ayaa qirtay in Real Madrid aysan Final-ka ku gaarin gacanta garsoorihii xalay.
Thomas Muller ayaa sheegay in kooxdiisu aysan wax cudur daar ah u haysan qaabkii xalay ay uga hartay koobka horyaalada yurub.
Hadalkiisaan ah in Real Madrid ay u qalanto gaarida ay gaartay Final-ka Champions League ayaa burinaya waraysigii ka horeeyay ciyaarta ee uu ku sheegay kooxda tababare Zidane mid ku socota awooda garsoorayaasha.
“Ma jiro cudur daar loo haayo guul darada na soo gaartay, sifiican ayaan u ciyaarnay kulankii lugta hore, laakiin uma aanaan badalin fursadihii aan helnay goolal iyo guul” ayuu yiri Muller dhamaadkii ciyaarta.
“Waxaan rumaysanahay in garsooruhu uu qabtay shaqo aad u fiican, dartiis uma aanaan guul daraysan, Navas ayaa soo bandhigay qabaciyaareed aad u fiican, marar badan ayuuna badbaadiyay kooxdiisa, isaga ayaana guusha siiyay Real Madrid”.
Siraaj Hero 
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY