Zidane oo hadlay kaddib Rafaadkii ay ugu soo gudbeen Final-ka





Real Madrid ayaa xalay si dhib badan ugu soo gudubtay Final ka Champions League markii saddexaad oo xiriir ah kaddib bar baro 2-2 ay la gashay Bayern Munich.
“Waxaan la ciyaarnay kooxo waa wayn, Juve isla sidaa ayay ahayd, sidoo kale PSG,” Zidane ayaa sidaa saxaafada u sheegay ciyaartii xalay kaddib.
“Waan faraxsanahay maxaa yeelay waxaan garaacnay saddaxda kooxba iyadoo ay jirto inaan dhibtoonay.
Zidane oo wax laga waydiiyay inuu xalay ku soo bilaabay Benzema ayaa yiri:
“Waan u faraxsanahay isaga, wuu u qalmay in lagu soo bilaabo, wuxuu sameeyay farqiga.
“Way fiican tahay marka ay kubbada cagta ku dhammaato sidan oo kale.
Zidane oo sidoo kale ka hadlay goolhaye Keylor Navas oo xalay Wacdaro dhigay ayaa yiri:
“Wuxuu sameeyay bad-baadooyin wayn qeybta labaad, aad ayaan u faraxsanahay.”.
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY