Muxuu Ka Yidhi Halyayga Bayern Munich Oliver Kahn Qaladkii Fool Xumada Ahaa Uu Sameeyay Goolhaaye Sven Ulreich Kulankii Santiago Bernabéu Ee UCL?.



Goolhayihii hore xulka qaranka Germany iyo kooxda Bayern Munich Oliver Kahn ayaa wuxuu iska diiday in goolhaaye Sven Ulreich, uu sababa buuxa u ahaa in  kooxda reer Germany ay isaga harto tartanka Champions League, kadib markii uu barbaro kusoo idlaaday kulankii ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu, isagoo tilmaamay in qaladaadkan oo kale ay ka dhacaan goolhaayayaasha caalamka.
Karim Benzema ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ee ciyaarta ahaana isla goolkii labaad ee Real Madrid ee kulankan isagoo ka faa’ideestay, qaladkii fool xumada ahaa uu sameeyay goolhaaye Sven Ulreich, kadib kubad uu u baasay saaxiibkiis Corentin Tolisso daqiiqadii 46-aad, laakiin Ulreich ayaa ka labalabeeyay in uu kubada banaanka u tuuro, kahor inta uusan dhulka ku dhicin, taasoo fursad wanaagsan siisay Benzema si uu u dhaliyo goolkiisii labaad ee ciyaarta.
Oliver Kahn ayaa u sheegay wargeyska “Sport” ee dalka Spain: “Sida iska cad wuxuu ku fikiray laba waxyaabood oo waqti isku mid ah, wuxuu doonayay inuu kubada gacanta ku qaato, isla markaana wuxuu hadana doonay inuu banaanka u tuuro”.
Halyayga xulka qaranka Germany: “Waxyaabahan oo kale waxay ku dhacaan dhammaan goolhayayaasha, waxaana sidaan oo kale aan la kulmay kulan aan kaga hor imid Real Madrid, kadib laad xur ah uu soo tuuray Roberto Carlos, ma soo kabsan kartid maalinta xigta”
Waxaa xusid mudan in kulankii u dhexeeyay Real Madrid iyo Bayern Munich inuu ku dhamaaday barbaro goolal 2-2 ah kaasoo ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Santiago Bernabeu, Los Blancos ayaana sidaas ugu gudubtay kulanka finalka markii saddexaad oo xidhiidh ah, iyadoo kaga faa’ideysatay guushii 2-1 ahayd ay ku soo gaadhay kulankii lugta hore ay Bayern Munich ku booqatay garoonka Allianz Arena.

Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY