Wargays ka soo baxa Catalonia oo Salah la barbardhigay Lionel Messi


(Liverpool) 25 Abriil 2018 Mohamed Salah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u soo jiitay intabadan taageerayaasha xiiseeya kubadda cagta.
Wargayska Sport ee aadka ugu dhaw Barcelona ayaa daaha ka qaaday in Mohamed Salah uu u qaab ciyaareed dhaw yahay Lionel Messi.
Image result for Salah Messi
Wargayska oo warbixin ka diyaariyay weerar yahanka Liverpool iyo qaab ciyaareedkiisii cajiibka ahaa ee xalay ayaa sheegay in laacibku uu lamid yahay kabtanka xulka Argentina.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Salah uu uga egyahay Messi dhanka xirfada iyo waliba sida aqliga badan ee laacibku uu u dhalinayo goolasha isla markaana uu kubadda ugu baasayo asxaabtiisa kale ee kooxda.
Wuxuuna intaa ku daray in Mohamed Salah uu gool ka dhalin doono Roma kulanka lugta labaad maadaama uu yahay laacib ay adag tahay in laga celiyo shabaqa.
Gool FM
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY