Franck Ribery oo Caawa la GANAAXI doono haddii uu Dabaal degan ku sameeyo Real Madrid….(Maxay tahay Sababta


(Europe) 25 Abriil 2018. Franck Ribery ayaa lagu amray inuu joojiyo dabaal degga “A-OK” kaddib markii loo arkay inay ka careysiineyso dadka ku nool dalkiisa Faransiiska iyo dadyow kale.
Bild ee ka soo baxda dalka Jarmalka ayaa warineysa in Ribery loo sheegay inuu joojiyo dabaal deggan maadaama ay ka careysiineyso dadka ku nool Faransiiska, Bariga Yurub iyo waliba qeybo ka mid ah Woqooyiga America.
Dabaal degga “A-OK” ayaa caadi ka ah isla markaana aan dhib loo arkin marka la joogo dalka Jarmalka iyo waliba Ingiriiska.
Natiijada sawirka Franck Ribery celebration
Yeelkeede, Dalalka aan kor ku soo xusnay ayaa aflagaado looga yaqaanaa, waxaa xitaa loo fasiran karaa inay weerar ku tahay isku taga Jinsiyadaha isku midka ah ‘homosexuality’.
Franck Ribery ayaa caawa eegan doona inuu goolkiisii 7-aad dhammaan tartamada ka dhaliyo kooxda Real Madrid marka ay wada ciyaarayaan lugta hore ee afar dhammaadka Champions League ee lagu ciyaari doono Allianz Arena.
Waxaa la warinayaa in Bayern Munich ay ciqaabi karto Ribery haddii uu dib u soo celiyo dabaal degga “A-OK”.
Siraaji muktar Abubakar 
Share:

Popular LONG


CIYAARAHII UGU DAMBEEYEY